var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Muqtaar Roobow oo Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id

Ilwareed Online

Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Citu Plaza ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ka hadlay mowqifkiisa ku aadan ururka Al-Shabaab ee uu dhowaan isaga baxay.

Wadaadka ayaa sheegay in Al-Shabaab sababtii uu uga baxay ay tahay kaddib markii uu arkay hab dhaqankooda oo uu sheegay inuu ku saleysan yahay weerarada loo geysanayo dadka rayidka ah, dilka ama gowraca dadka aan waxba galabsan.

Mar uu ka hadlayay imaatinkiisa magaalada Muqdisho ayuu sheegay inuu wadahadalo kula jiro madaxda Dowladda Federaalka isla markaana ay marayaan meel wanaagsan.

Dhinaca kale Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa hoosta ka xariiqay inuu ka shaqeynayo nabadda, taageerada dowladda iyo la dagaalanka ururka Al-Shabaab.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.