MUQDISHO: Goob uu maxaadaro ka jeedinayay wadaad caan ah oo sababtay is buurasho qasaare ka dhashay

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhaawacmay is buurasho ka dhacday goob uu khudbad ka jeedinayay wadaad caan ah goob lagu magacaabo Hoolka Sahal oo ku taala magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegya in dhaawaca soo gaaray dadkaasi ay ahaayeen kuwo iyagu doonayay inay ka qeyb galaan muxaadaro uu jeedinayay Sheekh Kenyaawi, kaddib markii ciidamo Boolis ah oo halkaasi ku sugnaa ay rasaas ku fureen dad fara badan oo ku sugnaa iridda hore halka ay muxaadarada ka dhaceysay.

Boqolaal dadweyne ah ayaa soo buux dhaafiyay halka ay ka dhaceysay muxaadarada Sheekh Kenyaawi oo ku dhow isgoyska KM4 kuwaasi oo qaarkood dib uga laabtay halkaasi kaddib markii uu buux dhaafay hoolka oo aad uga badnaa dadweynihii goobtaasi tegay

Muxaadarada Sheekh Kenyaawi oo toddobaad kahor ay ka war hayeen shacabka Muqdisho ayaa waxay shacabka goobtaasi tegay waxay si xad dhaaf ah ugu soo xaadireen hoolka Sahal oo aad uga yaraa tirada dadweynaha ee iyagu goobtaasi soo xaadiray.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline