var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Muqdisho: Ciidamadda dowlada Federaalka oo Amisom Kala Wareegaya Amniga Guud

0

Ilwareed Online –

Waxaa lagu soo gabagabeeyay Shir  muddo 5 maalmood ks socoday magaalaada Muqdisho kaasi oo u dhexeeyay  dhamaan laamaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo kuwa Amisom, waxaana  diiradda lagu saarayay sidii dowladda federaalku ay sugida amniga dalka ugala wareegi lahayd Ciidamadda Amisom

Qodobadii gabagagabadii shirka laga soo saaray waxaa kamid yihiin horumarinta amniga dalka, tababaridda iyo qalabaynta ciidanka qalbka sida ee Soomaaliya,si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amni ee dalka marka ay baxayaan ciidamada Midowga Africa ee Amisom.

Wasiirka Gaashaan Dhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/rashiid C/laahi Max’ed oo faah faahiyay  ujeedada shirkaasi iyo waxyaabihii looga hadlay wuxuu  sheegay in  in askarigii ugu horeeyey ee Amisom ah la qorsheynayo in uu dalka ka baxo dhamaadka 2018 islamarkaana si tartiib tartiib ay ay dalka uga bixidoonaan ayadoo amaanka ay si buuxda ula wareegidoonaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

“Shirkan waxaa uu socday muddo 5 maalmood ah ayuu Muqdisho, ka socday, waxaana goog jog ka ahaa, dhaman hay’adaha amanaka dalka hadii ay ahayn lahaayeen, nabad sugidda militariga iyo dhamaan sarakiisha amniga, waxaana laga hadlay, horumarinta amniga, tababaridda iyo qalabaynat ciidamada, iyo sidii Amisom ay amniga ugu wareejin lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliay”, Ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Danjire Farncisco Madeira Caetana oo madax howlgalka Amisom ee Soomaaliya, oo dhiniciisa ka hadlay shirka wuxuu sheegay in shaqada ciidamadda Amisom ee Soomaaliya ay tahay taageerida dowladda federaalka Soomaaliya, si loo yareeyo khatar ururka Al-sjabaab

“ Wadajir waxaan uga wadashaqaynaynaa in la abuuro xaaladd wanaagsan iyo dowlada sharci ah oo dalka oo dhan ka howlgasha” ayuu danjire Farncisco



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.