Munasabad Duco iyo Mahad celin ah Haweenka Gobolka Banaadir

Munasabad Duco iyo Mahad celin ah oo ay soo qaban qaabiyeen Haweenka Gobolka Banaadir oo ay hogaamineyso Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Maxamuud Jaamac (jawaahir Barqab) ayaa Maanta lagu qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Munasabadaan ayaa waxaa loogu Mahad Celinayay Madaxda Dalka Dorkii ay ka qaateen dhawacyadii ku dhawacmay Qaraxii ka dhacay Gobolka Banaadir.

Waxaa kasoo qeyb galay munasabada Siihayaha Duqa Muqdisho ahna Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ibraahim Cumar Mahad-alle (ibraahim dheere) Gudoomiye ku xigeen Arrimaha Bulshada iyo wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma caamir Axmed (jaktti) Gudoomiyasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Bulshada kunool Caasimadda Muqdisho.

Waxayna ugu duceeyeen intii ku shahiiday Gobolka Banaadir in janadii kawaraabiyo.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline