Midowga Murashaxiinta oo dhaliiley xubnaha qaar ee guddiga ciidamada ku maqan Eritrea.

Midowga murashaxiina ayaa maanta soo saarey bayaan ay kusoo dhaweeyeen guddiga uu u magacaabay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ee baaraya xaaladda ay kusugan yihiin ciidamada ku maqan Eritrea.

Dhanka kale, waxey saluugsan yihiin xubno kamid ah guddiga, oo ay ku eedeeyeen iney iyaga qudhooda yihiin kuwo loo heysto eedda, oo ah dhibaatada soo wajahday ciidamada Soomaaliyeed ee kusugan dalka Eritrea.

Golaha ayaa ka dalbadey ra’iisal wasaaraha inuu dib u magacaabo guddi lagu kalsoonaan karo oo dhexdhexaad ah, oo aan ka tirsaneyn dowladda sida ururada bulshada rayidka.

Waxey ugga digeen goluhu dowladda in shacabka aaney jah wareerin , iyagoo ku booriyey in waajibaadka loo igmadey ay si wanaagsan oo hufan u gudato.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline