Maxkamadda Gobolka banaadir oo u fadhiisatay Dacwadda Dilkii Marxuum Axmed Dowle

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shalay u fadhiisatay dacwad ay horgeeyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha, kaasi oo ku saabsan Dawaddii Marxuum Axmed Muqtar (Axmed Dowle), kaasoo lagu gubay Degmada Yaaqshid taariikhdu markay aheyd 20.9 .2018-kii ee sanadkii la soo dhaafay.

Waxaana Dacwadaan u eedeysan todobo Ruux , iyadoo seddax ka mid ahna la soo qabtay taariikhdu marki ay ahayd 21.09.2018-ki, halka seddax kale oo ku eedeysan dacwadan la soo qabtay 17.10.2018-kii, halka eedeysaneha todobaad uu yahay maqane.

Markii dacwadda la guda galay waxaa caddeymo iyo maragyo soo gudbiayay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Dood dheer kadib Maxkamadda ayaa go’aamisay in fadhi kale la isugu yimaado maalinta arbacada ah taariikhdu ay ku beegan tahay 24.04.2019-ka, si dacwadu u sii socoto.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline