Maxkamad Laashay Racfaan Uu Qaatay Muwaadin Soomaali Loo Heysto Al-Shabaabnimo

Mohamed Hassan Hersi 660x430

Maxkamadda Rafcaanka ee magaalladda Ontaariyo ee dalka Kanada ayaa shaacisay inay laashay Rafcaan uu soo qortay Maxamed Xasan Xersi oo 32-jir ah, kaasi oo horey loo xukumay xabsi 5 sanno ah.

Maxamed Xasan Xersi ayaa la sheegay inay la xiray bishii Maarso 29-dii ee sannadkii 2011-kii, xilligaasi oo ay Ciiddanka dalkaasi ka qabteen isago odoonayey inuu raaco Diyaarad duullimaadkeedu ahaa dalka Masar.

Dembi-baarayaasha Boliska dalkaasi waxay xilligaasi ku soo eedeeyeen inuu Masar kaga sii gudbo Somalia, si uu ugu biiro Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida hadalka loo dhigay.

Ciiddan dhar cad oo is-qariyey ayaa la sheegay inay Maxamed Xasan Xersi kala sheekeysteen Dagaalka Kooxaha Islaamiyiinta, waxayna ka duubeen cod isagoo u sheegayey inuu doonayo inuu u socdaalo Masar, oo uu kaga sii gudbin doono somalia, si uu uga mid noqdo Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida ay Dembi-baarayaashu Kanada sheegeen.

Garsoore ayaa waxa uu  Maxamed Xasan Xersi ku xukumay xabsi 10 sanno ah,  iyadoo lagu amray inusuan wax rafcaan ah qaadan karin ilaa uu soo dhamaysto kala-bar xukunka lagu riday.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline