var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Maxkamad Islaami Ah oo Looga Dhawaaqay Magaalada Balad-Weyn

Ilwareed Online –

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Maanta kaga dhawaaqay magaalada B/weyne Maxkamada islaamiga ah ee Racfaanka Magaalada Baladdweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Cosoble waxaa lagu magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Baladweyne iyo Xubno kale oo ka mid noqonaya Garsoorka Magaalada Baladweyne.

Gudoomiyaha Maxkamada islaamiga ah ee Racfaanka Magaalada B/weyne ayaa waxaa loo magacaabay Shiikh Ibraahim Xasan Cali.

Sidoo kale, Munasabadan lagu daahfurayay maxkamadaha racfaanka Gobolka iyo mida Degmada Beledweyne laguna magacaabayay Guddoomiyaasha iyo garsoorayaasha maxkamadahaasi waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle Wasiiro iyo xildhibaano katirsaniyo mas’uuliyiin kale.

Goobta waxaa lagu dhaariyay Guddoomiyaasha Maxkamadaha iyo xubaha kale ee ka howlgalidoona laamaha garsoorka ka shaqayn lahaa,waxaa ka hadlay Gudoomiyaha degmada Beledweyne Aadan Axmad Xeefow

“Maanta waxaa isleeyahay Dowladeena aas aaskeeda ayaa dhismay, mas’uuliyiintana waxaan leeyahay in xilkaan si cadaalad ah ugu adeegtaan bulshada aad matashaan, kana shaqeeya horumarinta cadaaladda” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Beledweyne samaysaan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Deeqow ayaa yiri” Waxaan filayaa in wixii maanta ka dambeyeey dadka gobolka ku dhaqan ay heleen nidaamkan garsoorka ah islamarkaana ay isku xukumi doonaan” waxaa yiri sidaasi guddoomiyaha gobolka HIiraan”

Wasiirka Wasaaradda garsoorka arrimaha diinta iyo awqaafta Dowlad Goboleedka Hirshabelle C/qaadir Cusmaan C/salaam Kheyraad ayaa bogaadiyay mas’uuliyiintan la magacaabay iyo wada shaqeynta shacabka.

“Waxaan leeyahay reer Beledweyne is qabqabsi ma jiro, waxaa aadi jirteen deegaano kale qofkii aadanaa wixii lagu xukumi lahaa waa diyaar waxaana idin ku bogaadinayaa in ad la shaqeysaan mas’uuliyiintan la idin magacaabay” ayuu yiri wasiir C/qaadir Cusmaan.

Madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa si rasmi ah u furay maxakamadaha degmada Beledweyne iyo midda racfaanka.

“Wixii hadda ka dambeeya umaddaan waxaa lagu kala saarayaa shareecda islaamka,mar hadii aan Maxkamadihii furnay, cid aan ku dhaqanka sharcigaasi ugu leexan doono ma jirto qofkii qof dilaa ama dhacaa” ayuu yiri Madaxweyne Cosoble.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: