Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Boqor Salmaan Bin Abdulaziz Al Saud?

Riyadh, October 10, 2018 —Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline