var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

maxaa sababey in durba ladhaliilo safiirka somaaliya ufadhya qaramada midoobay

Ilwareed Online –

safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Abuukar Dahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa la ogaaday in aanu heysan xasaanad diblomaasi oo ah xuquuq ay leeyihiin Safiirada dalalka Caalamka u fadhiya Xafiiska Qaramada Midoobey ee Newyork
Mr Baalle oo heysta dhalashada Mareykanka ayaa bil ka hor loo magacaabay Madaxa Ergada rasmiga ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey, waxaana soo baxaya warar sheegaya in aanu laheyn xuquuq diblomaasi.

Sida uu qabo xeerka diblomaasiga dadka heysta baasboorka Diblomaasiga waxay leeyihiin xasaanad iyo xaq dhowr ay ku muteysteen marxalada diblomaasiyadnimada, taasoo u fududeyneysa inay gutaan waajibaadkooda, iyagoo aan la kulmin wax caqabad ah.

Hase ahaatee Mr Baalle ayaa la ogaaday in aanu yeelan doonin maqaam Diblomaasi, marka aanu ku sugneyn New York oo ay ku taallo Xarunta Qaramada Midoobey, hadii uu tago meel ka baxsan New York oo ah gudaha Mareykanka, ma noqon doono Diblomaasi xasaanad leh, wuxuu ahaanayaa muwaadin Mareykan ah, oo ay dhici karto inuu caqabado la kulmo, sida in la dacweeyo, la xiri karo.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in Wasaaradda Arrimaha Dibadda looga baahnaa inay hubiso caqabadaha ka imaan kara shaqsiyaadka heysta labada dhalasho, inay dhaawici karaan heybada iyo qaranimada Soomaaliya, marka loo magacaabo Safiir dal ay dhalashadiisa heystaan.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: