Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Mas’uuliyiinta Degmada Wadajir oo ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Degmadaasi.

Mas’uul ka tirsan Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay Xarunta Degmada Wadajir ay ku dhinteen dad badan halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.


Wararku waxay sheegayaan in tirada dhimashada gaarayso ku dhaawad 15 ruux halka dhaawacana uu gaarayo in ka badan 20-ruux.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacmay Gudoomiyaha Degmada, Xoghayaha iyo Gudoomiyaha Haweenka Degmadaasi, sidoo kale waxaa halkaasi ku dhaawacmay dad kale oo ay ku jiraan Ciidamada ilaalada Degmada.

Dhanka kale qaraxaasi ayaa noqonaaya kii ugu horeysay ee ka dhaca xarun Degmo oo ku taala Gobolka Banaadir, wuxuuna qaraxaasi xilli yar kadib qaraxii ka dhacay Maqaayadda Pizza House maalmo ka hor.

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...