var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Masar: “Saldhig uu Turkiga furay Muqdisho waa mid ka dhan ah danaheena”

Ilwareed Online

Iyadoo dhawaan Turkiga uu saldhig militari ka furay Duleedka Muqdisho, ayaa waxaa arintaasi si kulul uga hadashay Dowladda Masar.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dowladda Masar, Sameh Shoukry ayaa ku tilmaamay saldhiga militari ee laga furay Soomaaliya mid lagu handadayo danaha Xukuumadda Qaahira.

Waxaa Wasiirka uu intaasi ku daray in Turkiga uu isbalaaran wado, waxaana tusaalle u soo qaateen saldhiga Turkiga uu ka furtay Dalka Qadar.

“Waa xaqiiq in Saldhigan cusub ee laga furay Duleedka Muqdisho uu u muuqdo mid lagu handadayo danaha Masar”, sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arimaha Dibadda ee Xukuumadda Qaahira, Sameh Shoukry.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xukuumadda Ankara oo ku aadan warkan ka soo yeeray Dowladda Masar.

Saldhigan militari ayaa Xukuumadda Soomaaliya waxey ku sheegtay mid lagu tababari doono kumanaan askari oo ka mid ah Ciidamada Xoogaga Dalka Soomaaliya.

Sikastaba, Turkiga oo ka mid ah dalalka saaxiibka dhow la ah Soomaaliya ayaa haatan u muuqda in uu ka qeyb qaadanayo dib u diska Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com

fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: