var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Markale 32 qofood Soomaali ayaa maanta lagu dilay itoobiya dhulka oromada

Capture 79 326x245
qàadwalayaal lagu laayay itoobiya

Markale 32 qofood oo Soomaali ah  ayaa maanta  si arxandara ah  loogu dilay dhulka Oromada oo katirsan itoobiya taasoo kadhigan 24 saacadood gudahooga in 54 qofood Soomaali  ah dhulka oromada lagu dilay.

 

Dadkan ladilay ayaa Asal ahaan kasoojeeda Soomalida degta   Maamulka DDSI  iyo ismaamulka Somaliland gaar ahaan gobalka Awlda waxayna u badanyihiin ganacasato ka shaqaysata Qaatka Itoobiya laga keeno ,

 

Dhinaca kale  gobolka Awdal Magaalada Boorame oo katirsan Maamulka Soomaaliland  waxaa lagu Xasuuqay dad badan oo kasoo jeeda qawmiyada  oromada  oo iyaguna  Kaxamaasha dhulka Soomaaliya,

 

Falkan aargoosiga ah èe ka dhacay maanta Boorame ayaa loo sababaynayaa in uu yimid kadib markii Shalay lagu laayay dhulka oromada dadbadano kasoojeeda Somailand gaar ahaan Magaalada Boorame,

 

Sidoo kale Shalay ayay ahayd markii ay Qawmiyada oromadu dileen dad gaaraya 22 qofood soomaali ah kuwaaso ubadan ganacsato qaatka kakeeni jirtay Dhulkaasi ormada degto , Maantana waxay laaysay 32 qofood kale oo soomaali ah,

Wararka qaar ayaa sheegaya  in Maanta Oromadi joogtay Magaalooyina Hargeysa Somaliland, Boosaaso puntland, Jigjiga DDSI lawaayay kadib markii ay maqleen in dad Soomaali ah lagu laayay dhulka Oromada,

 

Oromo ayaa wada Xasuuq balaaran oo ka Dhan ah  soomaalida loogana ciribtiraayo dhulkeeda, arinkaan ayaa timid kadib markii Ciidamada liyuu police Dhoor Bilood kahor ay Xasuuqeen Dad shacaba oo Kacdoon ka dhana Maamulka itoobiya kawaday Magaalooyina Oromada degto,

Waxaa laga Cabsiqabaa in uu dhulkasi kadilaaco dagaal udhaxeeya Qawmiyada Soomaalida iyo Oromo oo iyagu maalmahan wada dagaal Lagu Xasuuqaayo ganacsatada iyo dadka isaga kala dhex-gooshilahaa Itoobiya iyo Soomaaliya,

Sida la ogsoonyahay Qabiilka Tigrayga ayaana dabada kariixaya dagaalkan u dhexeya labada qawmiyadood, dhoorbilood kahor Xukuumada itoobiya waxay Liyuu Booliska Soomaalida kuwa amartay in ay laayaan xirxiraana Oromada Mudaaharaadaysa sikacdoonka udamo , hadaba oromo oo arintaa ka caraysan waxay go’aansatay in ay iyaduna laayso Soomaalida ka ganacsata dhulkeeda,  Waxayna Fursat wayn u noqatay Xukuumada itoobiya oo xakameynwaysa Kacdoonka oromada,

 

Hadaba dhinacaan ayaa loosoo rogay Dagaalkan  waxana Mooda in la istusay laba kooxood oo ay Dowlada  Itoobiya aad uga baqaysay kacdoonkooga ,

 

waxaana  Muuqata Saansaan Colaadeed in uu qarxi rabo dagaal u dhexeya Qawmiyada Oromo iyo Soomaalida,  madaama Dowladu Kacdoon farabadan kala kulantay Oromada,

AKHRISO  Dhul-gariir xoogan ku dhuftay dalka South Africa

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: