var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Markabkii lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya oo la sii daayay

Waxaa la sii daayay Markabkii ARIS 13, kadib markii Habeenkii Isniinta ee la soo dhaafay ay Afduubteen Koox Burcad Badeed ah, waxaana ka gooshayay Calanka Sri Lanka.

Agaasimaha Ciidamada Ilaalada Maamulka Puntland C/raxmaan Xaaji Xasan ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay inay gacanta ku hayaan markabkan oo sida shidaal iyo bagaash ay leeyihiin Soomaali.

Sdoo kale waxa uu intaasi ku daray inay bad-qabaan dadkii sarnaa oo tiradoodu gaarayso 8 qof, wuxuuna sheegay in raggan ka dageen Markabka kadib markii ay go’doomiyeen Ciidamada Puntland.

Dhinaca kale Mid ka mid ah dadka Afduubka gaystay oo magaciisa ku koobay C/laahi, ayaa tallaabadan ku macneeyay inay qaadeen kadib markii ay ogaadeen in xamuulka saaran ay leeyihiin dad shacab ah.

Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Badda Puntland iyo kooxda Burcad badeeda ay shaqaaqo ku dhexmartay Degaanka Xaabo, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

AKHRISO  Chelsea oo si fudud iskaga Xaadirisay Finalka FA Cup,kadib markii ay dubatay Tottenham

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: