var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Markab lga leeyahay Dalka Hindiya oo Kooxo Burcad badeed ah ka afduuteen Xeebaha Soomaaliya.

Burcad-baddeed Soomaali ah ayaa la sheegay inay Afduubteen Markabka Al Kaushar, kaasi oo la qafaashay habeen hore, xilli uu ku sii jeeday Dekedda Mukala ee dalka Yemen.

Markabkaasi la qafaashay ayaa ka yimid magaalladda Dubai, waxaa la socda 11 Shaqaale oo u wada dhashay dalka Hindiya, iyadoo Kabtanka Markabka la afduubtay ayaa ku wargeliyey Maamulayaasha Dubai dhacdadaasi iyo inay u gacan galeen Burcad-baddeed hubeysan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Hindiya ayaa sheegtay inay ka war heleen Markabka Hindiya ee lagu qafaashay Xeebaha Soomaaliya, iyadoo Shaqaalaha ka soo jeedaan magaalladda Mandavi ee Koonfurta magaalladda Mumbai ee dalka Hindiya.

Wargeyska Times Now ee ka soo baxa dalka Hindiya ayaa qoray in Afduubkaasi lagu wargeliyey Maamulka Ciiddanka Badda, si loo qaado Tallaabo si degdeg ah loogu soo badbaadinayo Shaqaalaha Hindida ee la socda Markabka lagu qafaashay Xeebaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, Ciiddanka Hawlgalka Ilaaladda ka haya Xeebaha Soomaaliya ayaan weli ka hadlin Afduubkan, oo noqonaya kii 2-aad ee wax ka yar hal bil ka dhaca Xeebaha Soomaaliya

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: