Mareykanka oo ka digay burburinta xeryaha Barakacayaasha ee Muqdisho

Ilwareed Online –

Hay’adda Wolrd Vision ee fadhideedu yahay dalka Mareykanka ayaa cambaareysay barakicin iyo burburin ay Ciidamo ka tirsan kuwa DFS ay  ku hayaan barakacayaal dagan duleedka magaaladda Muqdisho.

Waxaana ay hay’addo sheegtay in Ciidamada oo isticmaalaya gawaarida baldoosarada iyo qalab kale ay ay burburiyeen gabaadkii guryaha u ahaa barakacayaashaasi, kuwaas oo ka soo qaxay dagaallada iyo abaaraha ka jira ka koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Agaasimaha hay’adda World Vision ayaa sheegay in cagta la mariyay illaa iyo 21 Kaam oo ku yaallay duleedka magalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaas oo hadda Hoy la,aan soo wajahday.

Dhawaan ayey ahayd markii ay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ay walaac ka muujisay barakicinta Ciidamada DFS ay ka wadaan Xeryaha Qaxootiga ee ku yaalla magaalada Muqdihso.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline