var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Mareykanka oo Itoobiya ugu baaqay inay baarto sababtii ka dambaysay Dagaalka Somalida iyo Oromada.

Ilwareed Online

Qoraal ka soo baxay Maraykanka ayaa Dowladda Itoobiya loogu baaqay Itoobiya inay baarto 55 qof oo la sheegay inay ku dhinteen dagaalka qowmiyadaha Oramada iyo Soomaalida Itoobiya.


Dagaalkaasi ayaa la sheegay inay ka barakaceen ilaa 50 kun qof ay ku barakaceen tan iyo markii dagaalka uu ka dhacay xuduudda gobolada Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya.
Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa qoraal ka soo baxay ayaa lagu sheegay in dagaalka uu ahaa mid si arxan daro daro ah dad aan waxba galabsan loogu dilay.
Itoobiya ayaa loo soo jeediyay inay la xisaabtanto dadka mas’uulka ka ahaa rabshadaha ka dhacay Bariga Itoobiya ee dadka badan lagu dilay.

Labada maamul ee deegaanada Soomaaliya iyo Oromada ayaa isku eedeeyay in la adeegsaday maleeshiyaad iyo ciidamada maamullada si ay u qaadaan weeraro aargoosi ah.
Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa isbuucii tagay amray in Booliska Federaalka uu kormeer ku sameeyo deegaanada lagu dagaallamay, militarigana uu hub ka dhigis sameeyo.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: