var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Maraykanku oo Qoys 7 Ka Kooban Ku Laayay Degmada Jilib

Ilwareed Online

Waxaa soo baxaya warar isa soo taraya oo sheegaya in in dadka rayid ah lagu laayey weerar xalay ciidamada Maraykanku ka geysteen meelo ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka iyo saaxiibadood ay toddoba xubnood oo ka mid ah mintidiinta kooxda Al-Shabaab ku dileen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ciidamada ammaanka oo ay wehlinayaan ciidamada dalalka saaxiibada la ah Soomaliya u ogolaaday inay howlgal amni oo ka dhan ah Shabaab ka fuliyaan Jubbada Dhexe.

“Ciidamadeenu waxay dileen toddoba ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo uu ku jiro hoggaamiye sare oo mas’uul ka ahaa qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda warfafainta.

Milatariga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegaya in toddaba ka tirsan mintidiinta Al-Shabaab lagu dilay duqeyn ka dhacday Jilib.

Hase ahaatee warar madax banaan oo degaanadaas laga helayo ayaa sheegaya in weerarkan oo ay geysatay dayuurad Drones ah lagu dilay qoys ka koobnaa todoba ruux oo aan ka mid aheyn Al-Shabaab, kuwaasoo isugu jiray dhalinyaro, caruur, hooyo iyo dad waayeel ah.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in duqeynta ka dib ay jireen ciidamo Maraykan ah oo dhulka soo degay, kuwaasoo rasaas ku furay dad dhaawac ahaa iyo xubno ka tirsanaa qoyskan oo duqeynta hore ka badbaaday, iyagoo arintana daliil uga dhigay in meydadka dadkan qaarkood ay jirkooda ku taalo rasaas.

Weerarkan oo ka dhacay Tuulada Axmed Yare oo qiyaas 15-km Koonfur-bari kaga beegan degmada Jilib ayaa dadka degaanku waxay sheegayaan in dadka lagu dilay ay ahaayeen oday nabadoon ah oo magaciisa lagu sheegay Sheykh Maxamed Sheykh Axmad Yare iyo qoyskiisa.

Maamulkii Maraykanka ee uu hogaaminayey Obama ayaa xadiday weerarada ciidamada dalkaas ay ka geystaan Somalia, waxaana loo fasaxay iney weeraraan bartilmaameedyada la hubo oo kaliya.

Hase ahaatee Madaxweynaha Maraykanka ee xilka haya Trump ayaa wax ka bedelay arintaas isagoo ciidamada dalkaas u fasaxay iney xoojiyaan weerarada ka wadaan Somalia, ayna beegsadaan goob walba oo ay ku tuhmaan iney joogaan xoogaga Al-shabaab.


Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.