Maraykanka oo xaqiijiyay in Askarigii ugu horreeyey ee Maraykan ah lagu dilay Soomaaliya tan iyo sannadkii 1993-kii.

Donald Trump Madaxweynaha Maraykanka ayaa ka hadlay Askarigii ugu horreeyey ee Maraykan ah ee lagu dilo Soomaaliya tan iyo sannadkii 1993-kii.
Madaxweynaha ayaa ka yga tacsideeyey Qoyskii uu ka dhintay Askarigaasi, wuxuuna u hambalyay Ciiddanka Maraykanka ee Hawlgalladda ka wada Soomaaliya.


Donald Trump ayaa hadalkiisa ku soo aaday kadib, markii Askari ka tirsanaa Ciiddanka Maraykanka la dilay, 2 kalena lagu dhaawacay Hawlgal ay Ciiddankaasi ka fuliyeen Habeenkii Jimcaha ee la soo dhaafay Deegaanka Bariire oo 60-KM u jira magaalada Muqdisho.
Askarigaasi la dilay ayaa noqday dilkii ugu horreeyey oo Askar Maraykanka lagu dilo Somalia, tan iyo wixii ka dambeeyey sannadkii 1993-kii, oo 18 Askari oo Maraykanka lagu dilay Muqdisho, lagana riday 2 diyaaradood oo nooca Helikopter-ka ah.
Dhanka kale Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa xaqiijiyey dilkaasi iyo dhaawaca 2 Askari oo mid ka mid ahaa Somali-Maraykan Turjumaan ahaa, sidoo kale AFRICOM waxay kaloo sheegtay inay Ciiddanka Maraykanka taageero siinayey Ciiddanka Dowladda Federalka, kuwaasi oo weerar ku qaaday Fariisin ay Al-Shabaab ku leeyihiin Gobalka Sh/hoose.