Maraykanka oo Sheegay inay qabteen Boqolaal ka tirsan Dagaalyahanada Daacish.

Ku dhawaad 400 oo ka mid ah Dagaalamayaasha Daacish ayaa la qabtay iyagoo isku dayaya inay ka baxsadaan dhulkii ugu dambeeyay ee ay ka dagaalamayeen gudaha Siirya, sida ay shegeen Mareeykanka iyo maleeshiyaad uu taageero.

Taliyaha Ciidanka xorta ah ee Siiriya ayaa sheegay in Dagaalamayaasha la qabtay xilli habeen ah iyagoo isku dayaya in ay baxsadaan iyagoo caawimaad ka helaya kooxaha Dadka tahriibiya.

Boqolaal ruux oo kale ayaa isi soo dhiibay waxaana laga soo daad rueeyay Deegaanadda uu dagaalku ka dhacay, sidoo kalw kumanaan ruux oo shacab ah ayaa iyagana la daad gureeyay.

Tilaabadaan ayaa waxaa ay imaaneeysaa ka dib markii Ciidanka SDF iyo Mareeykanka ay kordhiyeen Duqaynta Magaaladda Baghuuta.

Hadii Magaaladaas gacanta lagu dhigo waxaa la filayaa in Mareeykanka iyo Xulifadiisu ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan Dhamaadka Qilaafadii Daacish ay ku dhawaaqeen 2014.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline