Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Maqaal: ”Weligay ma maqlin abwaan gobolada Maayga looga hadlo ka soo jeedda…”

“Bal eeg buugaagta Afka Soomaaliga, dhagayso heesaha iyo abwaanada, Waad maqashay Dhoodaan, Hadraawi, Gaariye, Kadare, Sayid Maxamed, Ismaaciil Mire, weligay ma maqlin abwaan gobolada Maayga looga hadlo ka soo jeedda iyo murti ay tiriyeen.” Ayuu igu yiri qof aan doodnay muddo ka hor.

Waxaan weydiiyay, ” Qof gobolada Maxaatiriga looga hadlo ka soo jeeda oo gabay English ah kula tartamo William Shakespeare, John Milton, Goeffrey Chaucer, Alexandar Pope iyo Robert Browning ma jiraa?”

Wuxuu iigu jawaabay, “Suugaanta Englishka aqoon uma lihi, waxaan wax ku soo bartay dalka Yemen, iga raali noqo.”

Su’aashii ayaan rogay, ” Qof gobolada Maxaatiriga looga hadlo ka soo jeeda oo gabay Carabi ah kula tartamo Ahmed Shawgi, Al Mutanabi, Jibran Khalil Jibraan, Mohamed Sami Al Barudi iyo Nizar Qabani ma jiraa?” ayaan weydiiyay.

“Waxaad ku hadlayso wax la is barbar dhigi karo ma aha, qof Carab ah sidee qof Soomaali ah af Carabi murtidiisa ugu la tartami karaa, waa laba af oo aan shaqo isku lahayn.” ayuu igu asagoo qoslaya.

“Abwaan Hadraawi, Gaariye iyo kuwa kale haddii aad ogaatay in aysan Ahmed Shawki iyo William Shakespeare kula tartami karin suugaanta Carabiga ama English-ka, maxaad qof Maxaatiri ah ula tartansiinaysaa qof Maay ah?”

“Hadde kan waa afka hooyo ee qaranka!”ayuu yiri.

Waxaan ku iri, “Caddaanka, Carabta iyo Turkiga marka aan afafkooda ku hadlo way ii mahadceliyaan, adigana in kastoo aan kugu la hadlayo Maxaatiri haddana kaama rabo mahad celin, waayo waa afkayga looga hadlo dalka Soomaaliya meelo ka mid ah laakiin waa dhab isku af hooyo ma nihin, aniga hooyadey waxay ku hadashaa Maay”.

Ama lahjad dheh ama af dheh, waxaad doonto dheh, marka dhaqanka Maay laga hadlayo, dad baa dhibsada ee u qaata in midnimada halis la gelinayo. Midnimo lagu helay in dhaqamo iyo afaf/lahjado jira la xaaqo, meel ay kula tagto aan aragno.

Sida aan u bartay u baro, haddaadan baran karin ixtiraam muuji. Waxaa dhab ah in haddii aad waddani tahay, in aad jeclaataa wax walba oo ay Soomaali leedahay.

Hassan Adam Hosow





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline
Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...