var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Maqaal: Waa wax laga xumaado in madaxdii doowlada Soomaaliya ugu sareeysay shirka QM ee New York

Ilwareed Online

Aad baan uga xumahay in madaxdii doowlada Soomaaliya ugu sareeysay shirka QM ee New York kadhacay ee doowladaha caalamka kasoo wada qeeyb galeen ayadoo aan galinay waqti iyo qarash farabadan in nala yiraahdo dhageeyste kanoqda wax qudbad ahna kama soo jeedin kartaan waa nasiib daro .

Duleeysiga gumeeysidoonka casrigaan siyaa’sadeeysan waxeey had iyo jeer jecelyihiin ineey rajada soo hagaageeysa ee somaliya dhabar jab usoo hoyaan iyo guul daro taas oo ujeedadoodau tahay in ay shacabka kaniyad jabaan dhismaha dalka iyo rajada maantay noosoo ifeeysa . Balse marnaba ka quusan meeyno inaan dhisno dalkeena nabadana ku dadaalno.

QM muqdisho waxeey kuleedahay xafiis kaaso oo loogu tala’galay burburinta dalka sida nidaam la’aanta foowdada ciidan tayo’leh la’aanta iyo abni darada kajirta dhaman dalka somalia.

Waxaa kaloo ujooga muqdisho xubno sare oo sii kala sareeya qeeyb’walbana fulisa shaqadii loo idmado . Waxaa isweeydiin leh . Kahor inta aysan u anba bixin madaxda somaliyed Ee loo idmaday shirka ineey ka qeeyb galaan . Maxaa loogu soo gudbin waayay.

Qoraal ulajeedkeedu yahay dhaliisha aysan ku muteeysan in aysan qudbadaha madaxda caalamka waxba aysan ku laheeyn oo ay kayihiin dhageestayaal.

Qaabka iyo qorshahaa ah . ku bahdil shirka . Looga hadlayo waxqabadka doowlada somalia ee mudada yar jirtay qabatayna dhan walba wax la’higsan karo ama somali ay dareemi’karto . Mudo yar oo kooban .

Waxaa xaqiiq ah in loogu tala galay somalia ineey kusuu jirto burbur qarax dil iyo qax . dhalinta soo koreeysana ku dhamaadaan tahriib xabad iyo waxbarasho iyo shaqo la’aan.

Balse dabinada loo maleegayo shacabka iyo doowlada somalia waa in lafahmaa lagana gudbaa . Sidee looga gudbi karaa . ? Waa su’aal aan weeydiinayo inta waxgaradka ah ee Soomaaliyed.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: