var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Maqaal: Safiirka cusub Itoobiya ee asalkiisu yahay Soomaali, maxay ku hoos jiro?

XASUUSIN:

Waxaa, maalmahaan ku soo kordhay Facebook su’aasha ah, muxuu sameynaa madaxweyne Farmaajo maadaama dawladda Itoobiya ay u soo magacawday Safiir asalkiisu yahay Soomaali? Waraaqaha, ma ka Aqoonsiga, ma ka qabanaa mise waa diidaa? Jawaabta, ugu sahlan, waa ka qabanaa madaxweyne Farmaajo waraaqaha aqoonsiga muddo seddex bil gudahood ah haddii ayna jirin arrimo kale ee lagu diidaayo Safiirkaas oo ay dawladda Soomaaliyeed uga aamustay aqbilaadiisa sharaxaadna looga baahneyn sababta.


Safiirka Cusub ee Itoobiya Jamaaludiin Mustafa Cumar

Haddaba, su’aasha haboon waxey ahayd, maxaa laga yeelaa haddii Kenya iyo Itoobiya ay u soo magacawdaan Safiir asalkiisu Soomaali yahay? Runti, nasiibdarro Dastuurka Soomaali ma qoraayo, wixi laga yeeli lahaay ama shuruucda kale ee Wasaarada Arrimaha Dibedda dalka oo waad aragtaan qof Soomaali ah looma oggolaanaayo in uu Safiir ka noqdo USA hadane haysta dhalasho Mareykan. Dawladii Rayidka iyo Dawladdii Kacaanka, marna ma oggoleen kamana mana uga dhigi jirin Safiir Kenya iyo Itoobiya qof ku qabiil ah qabiilada Soomaaliyeed ee dalalkaas isticmaarka ku daray. Xittaa, Dawladdii Cabdullaahi Yusuf Axmed (Allaha-U-Naxariistee ma oggoleen oo wasaarada ayaan Agaasimaheedi Guud ahaa markaas ayaan qaar badan u diidnay in Safiir dalalkaas loogu magacaabo, laakin waxaa jiray Safiir asalkiisu yahay Soomaaliya ee Itoobiya ka socdo in aan ka guddoonay waraaqihiisi aqoonsiga ahaa. Waxey ahaataba, mida kale waxaa dhacday xilliggii Gen. Maxamed Siyaad Barre (Allaha-U-Naxariiste) in seddex ruux oo walaala ah asalkooduna Soomaali in ay noqdeen Safiiro ka kala socdo Soomaaliya, Itoobia iyo Jabuuti.

Marka, su’aal haddii madaxweyne Farmaajo ka guddoomo waraaqaha aqoonsiga Safiir asalkiisu yahay Soomaali ee ka socdo Kenya iyo Itoobiya, ma waxey la micna tahay in aan u aqoonsanay dalalkaan dadka asalkoodu yahay Soomaali oo isticmaarka ku daray sida Soomaali-Galbeed iyo NFD in ay ka mid yihiin? Haddaba, ka qabashada madaxweyne Farmaajo waraaqaha aqoonsiga Safiir ka socdo Kenya iyo Itoobiya oo asalkiisu yahay Soomaali ma’ahin macnaheedu in dawladda Soomaaliyeed ay aqoonsatay in dadka asalkoodu yahay Soomaali ee Kenya iyo Itoobiya qadiyadoodi la iloobay.

W/Q Abdi Ulusso

AKHRISO  Qaramadda Midoobay oo dhintay Kharashkii lagu bixin jiray nabad ilaalinta.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: