var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Maqaal: Qolooyinka Muslimka neceb oo Faafinaayo cadowtinimo aad u xun

Sawirka hoose waxaa ka muuqda gabar xijaaban oo muslimad ah oo socod ku dhaafeysa qof uu dhaawaacay ninkii gaariga dadka ku marsiiyey buundada Wesminister iyo dhawr qof oo la joogey oo caawinayey inta ay uga imaanayaan kalkaaliyayaal caafimaad.

Sawirkaas ayaa qolo muslimiinta neceb oo Ameerika iyo Boqortooyada Midowdey kala joogaa aad u faafiyeen, iyagoo ku tilmaamaya in gabadha qofka dhaawacan ag mareysaa ay tusaale u tahay nacaybka iyo arxandarrada ay muslimiintu u hayaan aadanaha kale. Run ahaan, marka sawirka loo fiirsado, wajiga gabadhu wuxuu muujinayaa murugo iyo dhabannahays. Haddii xataa gabadhu ay dhaafi lahayd qofka dhaawacan oo keligiis ah, eedda loo soo jeediyey waa qaban lahayd ama ugu yaraan sharraxaad baa looga baahan lahaa falka ay samaysay, laakiin, qofka dhaawacan dad ku filan baa la jooga oo qaarkood aysan waxba qabaneyn ee ay wehel ahaan u ag taagan yihiin.

Dadkaasi gabadha shakhsi ahaan uma nebca, laakiin waxay uga faa’iideysteen muuqaalkeeda in ay ku faafiyaan nacaybkii ay hore ugu qabeen muslimiinta iyo Islaamka. Dadka noocaas ahi waa kuwa ummad si wadar ah u nebcaada oo isugu qaada. Waana dadka aan caqliga adeegsan ee caadifadda u jaaran. Shaki kuma jiro in ay xun yihiin dadka noocaas ah, meel hoosena kaga jiraan aadaminnimada. Xumaantoodaasina waa mid aynnaan isku diiddaneyn.

Haddaba, aan ku weyddiiyee akhristow: adigu markaad aragto nin Yuhuud ah, ma kugu soo dhacdaa in uu yahay wax nacaladi ku taal oo cadow ah oo xaasid ah, haddaadan sharci ka baqaynninna aad dhibaatayn lahayd? Haddii ay jawaabtaadu HAA noqoto, miyaad diiddan tahay in adiga iyo nimanka gabadha muslinka ah bilaash ka eedeeyey in aad isku mid tihiin? Dabcan ma diidi kartid, sababta oo ah: adiga iyo nimankaasiba waxaad aamminsan tihiin in ummad dhammi ay wada xun tahay. Iyagu meesha ay ka rumaysan yihiin in muslimiinta oo dhammi xun yihiin, adiguna waxaad aamminsan tahay in yuhuudda oo dhammi xun tahay. Adiga iyo iyagu waxaad tihiin kuwo isku mid ah oo isu rarma. Haddii dhalasho ahaan la idin kala beddeli lahaa, adigu waxaad noqon lahayd kirishtaanka kuwooda muslimiinta neceb, iyaguna waxay noqon lahaayeen muslimiinta yuhuudda iyo diimaha kaleba neceb.

Ogoobeey, Innagu ma jeclin in midabkeenna ama diinteenna dartood la inoo nebcaado oo la inoo dhibaateeyo. Innaguna waa in aynnaan garan waayin in dadka kale intaas mudan yihiin. Nacaybka iyo xumaynta aadanuhu waa khalad dhinac kasta ha ka yimaadee. Nacaybku markuu innaga ina ka tegayo yuu fankiisu ina la qurxoonaan, markuu innaga ina ku soo socdana yuu foolkiisu ina la xumaan. Haddii kale garashadeennu waxay la fil noqoneysaa tan carruurta ee laga yiri “carruurtu markaad kuftana waa kugu qoslaan, markey kufaanna waa kuu soo ooyaan!”

Dadka caqliga adeegsadaa – diin kasta ha ku jireen ama yey midna ku jirine- waa kuwa aan cid gaar ah nebcayn. Waa kuwa naxariis aadaminnimo u dareema cid kasta oo dhibban (abaaro, daadad, dhulgariir,….,) isla markaana caawiya iyaga oo aan u eegin diin, midab, sinji iyo wax kale toona. Dadka caadifaddu hagtaa – diin kasta ha ku jireen ama yey ku jirine- waa kuwa dadka aan iyaga ahayn neceb, isla markaana ku farxa marka ay masiibooyin dabiici ahi haleelaan dad aan iyaga la diin ahayn. Dadka caqliga adeegsadaa iyaga ayaa is ah, wax kasta oo ay ku kala duwan yihiin (diin, sinji, midab) waxaa ka weyn dareenka aadaminnimo oo ay wadaagaan. Dadka caadifaddu hagtaana iyagaa is ah, wax kasta oo ay ku kala duwan yihiin (diin, sinji, midab) waxaa ka weyn doqonniinada ay wadaagaan.

Kuwa dareenka aadane lihi waa kuwa nabad ku wada noolaada, iskuna qaddariya diinta iyo dhaqanka ay ku kala duwan yihiin. Kuwa arxanka daranise daqiiqad ma wada noolaan karaan, maxaa yeelay xagjirnimada waxa ay aamminsan yihiin ayaan u oggolayn in ay nabad dhexe isugu yimaadaan. Tusaale ahaan: Haddii laba kooxood oo aragti-diimeedyadoodu ay madaxkutiyeeyeen meel la isugu keeno – sida Daacish iyo Hindu xagjir ah – waxay kala mudan lahaayeen hoog iyo ba’. Sida ay isu laynayaan illeyn caqli iyo ikhtiyaar kale geeya ma leh e, ayey huf iyo hal aan jirin iska dhigi lahaayeen. Daacishiga ugu dambeeya oo soo hara ayaa inta dhawr jeer takbiirsado oo Alle uga mahadnaqo nasriga ay heleen kooxdiisu, ayuu sarajoogga isku gawrici lahaa si uu u dhammays tiro guusha muslimiinta inta ka dhimman, maxaa yeelay cid kale oo aan isaga ahayn oo uu dilaa ma harin.

W/Q: Maxamed Aadan Ciiraale

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: