var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Maqaal: Maxaa naga raacay ciidamadii Sanbalooshe galbineysay!!!

0

11 bishan ayaan ka soo baxay magaalada Xamar, maalinti sagaalka bisha aheyd maqribnimadeedi baa nin odaya oo saciim ah ee lagu neenaaso Jeesto, ayaan gaarigiisa u wada raacnay dhankaas iyo Xamarweyne, anagoo ka tagnay xaafadda C/Casiis

Waxaan sii hormarnay saldhiga Bari, markaan Fiat hormareyno, caadiyan wadada nabadsugidda ay u xirantahay laga bilaabo Fiat ilaa Beexaani labada dhanba, laguna xiray dambiilo waaweyn oo ciid laga buuxiyay, meel laga galana loo sameeyay ay maraan baabuurta khaaska ah, labada wado tan dhankooda xigtana (Fiat waa laba jidle) wey xiran tahay oo halka wado oo kale ayaa lawada isticmaalaa

Waxaa markeliya na soo galay ciidan hore iyo gadaal ka galbinaaya madaxa nabadsugidda mudane Xildhibaan Cabdulaahi Sanbalooshe, waa tan lawada argagaxay oo baabuurti ku sii jeeday dhanka Jubba marshabiyeedigi wada koray oo dadki socday qatar galshay, digniin iyo baabuur ka soo horeysay majirin, waxaa ugu darneyd oo argagax lahaa, anigoo weli ka naxsan gaarigeena sida uu u sigay dadki wadada maraayay haddana in ciidanki saarnaa gawaarida markeliya qoryihi noo cabeysteen, cay iyo aflagaadana ku dareen, walaalkey Jeesto baa miraayadda albaabkiisa dejiyay markaas baan anagoo xanaaqsan la hadalnay, iyagoo weli qoryihi nagu soo taagaaya, waryaada gaawarida ma waxaad moodeen wax inta la duuduubo jeebka la gelin karo, shacab baad kalsooni ka rabtaan markaas baad waxaad sameyneysaan ficilkasta ay idinku nacaan, argagaxa noocaan ah imisaa ku dhimata oo haddana aad aragtaan qatarteeda, marka aan intaa iyo kabadan aan niri, waxaa nala hadlay oo isna markihore kacsnaa sarkaal gaariga dhankeena soo xigay shukaanta ka saarnaa… Raali ahaada waa la qaldamay buu yiri, mudane Xildhibaan Sambalooshe warba kama hayo qatarta ciidankiisa shacabki wadada maraayay ay naftooda geliyeen ee aan aniga ugu horeeyo..!

Waxaan isweydiiyaa madaxda garanweysay xaqiiqatan dhisidda kalsoonida shacabka ee aan warba kaheyn xaalka jira sideey bey u garan karaan culeyska guud ee shacabka magaaladaa saaran….?

Islaanti Faransiiska aheyd ee qasriga ku oodneyd mey Doolsho cunaanteedi baa ii muuqata..!

Caawana golihi amniga maxey yiraahdeen xoolahaan la wareegeynaa……!

SOOMAALIYA NASIIBKEED!

W/Q: Elmi Guleed

Maqaal kale: Caawa intaana waa ii dhineyd!

Haddii madaxda meel tageyso magaalada oo dhan waa in la xiraa, ciidan gaar ahna ay dhan walba ka socdaan, baabuurtoodana xabadda ma karto…. waa naf ilaalin ama baqdin xad dhaaftay!

Dadki hub ma qaadan kartaan baa la yiri dabcan idinmana difaaci karno oo inagaaba amnigeena u baqeyna…. Shabaab kama dhigin ciidan jabay oo firxad ah ee naf la caari ah oo waa waxa baqdinta intaa la eg ku abuuray madaxdi iyo xukuumadi oo dhanba marka, sidee sacbooleyda banaanka la dhigay oo xoolahoodi meel walba yaalaan xukun u qabtaa weliba lagu baneysanayo in xoolahooda lagu dhaco…..???

Go’aamada hoose ilmo iska ciyaaraya ayaa soo saaray oo aan garan in ooda dhacmeed sida ay u kala sareeyaan loo kala qaado!

Dedejin baa socota!

Hay’adda amaanka ee dowladda ayaa Caawa go’aamo ka soo saaray dadka Taageera Al-Shabaab.

Hay’adda amaanka ayaa sheegay in ay ogaadeen in lacagaha ay ganacsatada siiyaan Al-Shabaab ay dhib weyn ugu geystaan Shacabka Soomaaliyeed.

Go’aamada ka soo baxay waxa ka mid ah:-

1. In aan la aqbali doonin in Al-Shabaab la siiyo lacagaha ay ugu yeeraan Taakuleynta Mujaahidiinta iyo Sakawaad.

2. Cid walbo oo Al-Shabaab lacag siisa Talaabo aya laga qaadaya mana la aqbalayo in marmarsiyo laga dhigto Xoog ayay iga qaadeen ama wa la i handaday.

3. Ganacsatada waxa loogu digaya in Al-Shabaab aysan taageerin oo aysan lacag siin.

4. Cidii Al-Shabaab Maamul jira u aqoonsata Talaabo aya laga qaadaya.

5. Xawaaladaha dalka ka howlgala Al-Shabaab lacag ma u keydin karaan lacagna ma u diri karaan.

5. Shirkadaha Isgaarsiinta Al-Shabaab uma fududeyn karaan Adeegyada kala duwan ee Isgaarsiinta.

6. Caawa laga bilaabo Ninkii ganacsade ah oo aado degaanada Al-Shabaab ay maamulaan sida Tooro toorow ee lacag u geeya Al-Shabaab wa la xeraya talaabo aya laga qaadaya Hantidiisa dowladaa la wareegeyso.

7. Cid walbo oo go’aanadaan ka hortimaado talaabo ayaa laga qaadaya cid loogu aabo yeelayo ma jirto.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.