var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Maqaal: FARAANTIGII CUNSUGII BADALEY

Hadda ka hor anigoo Subax aliseey dhaqtarka u socdo oo dhiig in layga qaado ku balansan ayaan dhulka waxaan ka helay Faraanti Dahab ah oo kuwa aroosyada ay isku galiyaan ah oo ANEELAHA u naqaano.

Faraantiga waxaa dhexda ugu qornaa Gunnar & Eva 1952 oo ahayd sanadkii arooskooda.
Wuxuuna faraantiga ahaa faraanti nimeed oo waxoogaa weynaa.

Faraantigii Markaan dhaqtarkii ka soo laabtey waxaan geeyey Saldhiga Booliska ee Gobolka aan degenaa sida sharciga ah waloow aan iska qaadan karey ee qaa’inimo aanba u dhalan !

Waxaa lagu weydiinaa markaad Baadi geeyso saldhiga Ma u baahan tahay Baadi fur ?!

waxaan ku dhahay maya.
waxaa layga qortey sida caadada ah Magacayga, Telkeyga iyo adress- keyga.

Shaqadeeydaan iska sii aadey .
Markaan guriga imaadey ayaa Ninkii lahaa oo odey da’ ah i soo wacay.

Wuxuu hadal iiga bilaabey waxaan ahay Gunnar ee Bailinbaa waxa ila hadlaaya ?!
haa
Ma kugu soo booqan karaa gurugaaga ?!

haa ayaan dhahay lkn sabtiga galabtii waayoo maalmaha kale waan shaqeeyaan mana haleelaayo.

Sabtigii ayuu ii imaadey waxaan u sii sameeyey SANBUUSI. BAJIYO. BUR .XALWO oo aan ogahay inay swedish ka aad u xiiseeyaan.

Isagoo ubax iyo bashqad wado ayuu albaabka ii soo garaacey.

Waan wada sheekeysaney wuxuu ii sheegey in uu habeenkaa uu ka dhumayeen faraantiga iyo boorso yar oo ay ugu jireen 5000 kr iyo kaarar uu naagtiisa isbitaal u wadey ayna ka dhimatey.

Wuxuu ii sheegey in uu weligiis CUNSURI ahaa ee uu aad u necbaa soo galootiga oo dhan gaar ahaan dadka madoow oo weliba Muslinka ah, lkn markeey police ka ay ii soo waceen iina sheegeen in boorsadii oo aan wax lacag ah ku jirin uu saldhiga keeney nin swedish ah uuna codsadey BAADI FUR !
faraantigiina ay keentey Gabar Magaceedu yahay Barlin Adawe oo aanan wax Baadi fur ahna kaa dalban! waxaan qiyaasey inaad Ajaanib tahay magacaaga dartiis!

Wuxuu dhahay waxaan hadda arkaa inaad muslin tahay Madowna aad tahay Waxaan isku ciilkaanbiyey sidaan u necbaa muslinka. madowga iyo soo galootiga oo dhan iyo sidaad ii soo dhaweeysey oo aad cunto aad u macaan oo aan weligeey cunin iigu sii karisey oo misana faraantigeeyga aan Jaceylkeeyga ka xasuusan lahaa oo aadka iigu qaliga ah Misana Dahab ah aad iigu xafidey oo aadan wax baadi fur ah iga codsan adigoo iska qaadan karey ileyn cidna kuuma jeedinee!

Labo caruur ah ayaan dhalay waxay leeyihiin afar caruur ah oo awoowe u ahay kuligood waxaan ku soo ababiyey jinsi naceybkaa waxaase igu balan ah iyaga iyo intii sideeydoo kale ah inaan nolosheeyda inta ka dhiman aan kala dagaalamo Cunsinimo wax la yiraahdo !

Odeygii waa iska ooyey ana Barlin aan ahaye waa iskala ooyey !
waxaan ku dhahay anaga muslin haddaan nahay waxaa nagu waajib ah inaan MASAAJIDKA geeyno wixii baadi ah oon jidka ka helno lkn maadaama dalkaan sweden uu yahay sharciga in Saldhiga la geeyo waan geeyey waajib keygaana gudanaayey ee wax weyn maaheyn waxaanse aad ugu faraxsanahay in aad wixii aad mudo badan iyo anigoo dhalanba aad naga aaminsaneyd aad maanta heshey jawaabtooda oo sax ah.

odeygii 5000kr ayuu i siiyey oo bashqad ku jirto iyo ubaxihii.

waxaan ku dhayay farbror lagacta iska cesho waa adigoo isiiyey oo kale lkn ubaxa quruxda badan waan kaa gudoomey!

Odeygii intaa kuma hakan e postade ayuu ii soo dhigey lagactii haddana waxanu nahay dad is xiriiriyo !

Qoraalkaan waxaan u soo qaatey caawa in ay i soo gaartey war dadkaan sweden uga soo tagey ay baadi ay heleen aysan saldhiga geeynin!

ogaada markaad dal shisheeye aad ku nooshahay waxaa xil kaa saaran yahay Sharaftooda inaad ilaaliso ….

1- Shaqsigaaga “Qofahaantaada!
2-Jinsigaaga “Soomaalinimada !
3-Diintaada ” Islaamnimadaada!

Marka hana dhaamina yaaqaay maal Aduunyo waxba maahee ka fekera Sharaftooda sedexdaan kor ku soo xusey 😎


Baarliin Cadaawe

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: