Maqaal: Dowladaa Dulqaad Badan

Haddii Qaraxyo iyo Baayo dhacdo dowladda ayaa ammaanka dayacday, haddii si loo badnaadiyo Nafta muwaadinka Soomaaliyeedna ay ciidammadu baaritaan dheeraad ah sameeyaaan dowladda ayaa ku tacadiday dadkii oo wadooyinka xiratay.!!!!! Waa layaabaye xaggee nooroon.?

Dhaliisho markasta waa saxid, in dowladda loo sheego wixii ay ka gaabisana qalad ma ahan, laakiin dhanka kalana isma qabanayso ammaanka lama sugi karo, ammaan darana ma dhici karto.

Ogsoonow in waddooyinka ay taaganyihiin Dhalinyaro adiga kula mid ah oo jecel inta aad jeceshay, laakiin Naftooda u hibeeyay Qaranka una taagan iyaga oo Sooman inay badbaadiyaan Naftaada, mana qabato inaan Aflagaado Abaal gud uga dhigno halkii aan ka dhihi lahayn waxaad tihiin Daljir.

Wadada kaliya ee Nabadda lagu helo waa Naf hurid, marka dowladda iyo shacabkaba ay Nafta wada huraan ayaan heli doonaa Nabad. INSHA ALAAH.

Mohamed Kafi Sheikh Abukar





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline