Maqaal: Col ku dhac tuugana kuu ciidamisay

Marka hore inta ay ku furtaan, ayey iyadii oo cad quureed ah ku siiyaan, kuguna amraan inaad uga mahad celiso. Ileyn waa garaad xumadood e. Muuqaaladan waa tusaalaha nool ee muujinaya sida aan xishoodka laheyn ee maalin walba baddeena loo gurto.

Mid ka mid ah sawiradan hoose, waxaa ka muuqda nin lugu magacaabo Kiyoshi Kimura, oo asalkiis yahay Jabeenees ganacsade ah, waxaa uu leeyahay mid ka mid ah maqaadayadaha ugu caansan dalkaasi uguna waa weeyn ee laga cuno cuntada “Sushi-da loo yaqaano. Wuxuu ka mid yahay kuwa sida bareerka ah badaheena u dhaca.

Malaaygan aad arkeeysana waa nooca Tonada laga sameeyo oo laga soo xaday xeebaha Soomaaliya. Waana nooc aad u qaali ah.

Xaal markuu halkaasi marayo ayaa waxaa igu soo dhacday xigmadii aheyd “Col ku dhac tuugana kuu ciidamisay”

Waase siddii la yeeli jiray duul hantidooda xafidan waayey sida annaga oo kale.

Ikraam Cali Kaar





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline