var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

MAQAAL: CEEL MACAAN

Maalmahaan, waxaa isi soo taraaya wararka sheegaayo in la rabo in la furo Dekadi Dabiiciga ahayd ee Ceel Macaan iyo Garoonkii Dayaaradaha Ciseley oo waqtigoodi la soo dhaafay laakin la rabo in la tijaabiyo dawladda nugeelkeeda iyo adkaanteed si ugu dambeynti loo fashiliyo.

Waxaa, la wada arkay dekadihi Berbera iyo Bossaaso in la kireystay oo lacag laga qaatay ee qof walbo maanta ku haminaayo meel uu gato ama kireysto Soomaaliya. Haddaba, su’aasha waxey tahay, Ceel Macaan iyo Ciseley xageey ka tirsan yihiin? Ma, Gobolka Banaadir mise Shabeellada Dhexe? Ma, dadka deggaanka u dhashay ee asal ahaan ka soo jeedo Ceel Macaan iyo Ciseley ayaa furanaayo mise kooxo dana gaar ah leh oo aan u dhalanin dadka deggaanka?

Marka, hore dadka deggaanka u dhashay ma furanayaan Ceel Macaan iyo Ciseley waana ka soo horjeedaan in dib loo furo si dadka deggaanka loogu dulminin mar dambe ayadoo laga faa’ideysanaayo dawlad la’aanti dalka ka jirtay. Mida, kale Ceel Macaan kama tirsan Shabeellada Dhexe laakin Maxamed Dheere (Allaha-U-Naxariiste) ayaa ku daray si uu reerkiisa ugu daneeyo oo gacanta ku haayay dekada Ceel Macaan.

Laakin, Ciselay oo dhaqaale badan lahayn Maxamed Dheere, wuxuu u daayay in ay ka tirsanaato Gobolka Banaadir sidi hore laakin waxaa maamulaayay nin ku reer ah. Sidoo, kale Maxamed Dheere, wuxuu labo qeyb ka gooyay Kaaraan kuna kala daray Cabdicasiis (Kawaanka Xoolaha) iyo Huri-Waa (Argentina) marki uu guddoomiyaha ka ahaa Gobolka Banaadir si uu dadka degganka u dhashay u kala qeybiyo iyo in uu dhaqaalaha kala dagaalo asagana ka faa’ideysto xoolaha kawaanka lagu qalaayo iwm.

Runti, waxey ahayd sababta ay u joogtay, sagaal bilood Jowhar, ahna magaala madaxda gobolka Shabeellada Dhexe dawladdii Cabdullaahi Yusuf Axmed (Allaha-U-Naxariiste), in Ceel Macaan ay furnaato ee reerkiisa maamushaan, asagana xisaabtiisa laga siinaayay oo ay dawladi noqoto mid reerkiisa naas nuujiso.

Haddaba, aniga oo aan ku dheeraaneynin Ceel Macaan iyo Ciselay, waxey xermeen xilliggii Maxaakiimta oo ay Gobolka Banaadir qabsadeen ee Dekada Muqdishu ay furteen laakin markii ay dawladda ka adkaatay dalkana laga saaray dib looma furin oo nidaamki dowliga ahaa ayaa dib usoo laabtay.

Waxaase, dhacday xilliggii Sheikh Sharif Sheikh Axmed, dalka madaxweyne ka ahaa in leysku dayay in dib loo furo Ceel Macaan iyo Ciseley laakin awood ayuu ku diiday in dib loo furo. Marka, waxaan qabaa in aan hadda loo baahneyn ee ciddi rabto in ay dib u furto Ceel Macaan iyo Ciseley in laga horjoosado iyo in sharciga la horkeeno ayadoo lagu eedeynaayo fawdo, carqaladeen nabadgalyada iyo xasiloonaanta iyo qal-qal gelin siyaasadeed ee dawladda la rabo in lagu fashiliyo.

Saa awgeed, waxaan ka codsaneynaa madaxweyne, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre in aan dib loo furin Ceel Macaan iyo Ciseley si aan dawladda loo fashilinin iyo in dib loogu soo celiyo Ceel Macaan Gobolka Banaadir oo ay ka tirsanaan jirtay xilliggi Kacaanka.

Sidoo, kale waxaan ka codsaneynaa in Degmada Kaaraan qeybihi laga gooyay Argentina iyo Kawaanka Xoolaha dib loogu soo celiyo degmada oo ay ka tirsanaayeen wixii ka horeeyay bur-burkii dawladda Soomaaliyeed 1991-di. Su’aal, maxey ku dhacday labo madaxweyne ee Abgaal ah laakin aan ka soo jeedin Gobolka Banaadir oo la dhashay Abgaalka gobolka deggan iyo nawaaxigiisa in ay diidaan ama dafiraan Mowqifki Dastuuriga ahaa ee Gobolka Banaadir iyo Caasimada, Muqdishu uu Kacaanki u sameeyay?

Maxaay, ugu diidayaan walaalahood xuquuqdooda aasaasiga si ay ula mid noqdaan dadka kale ee gobollada dalka ku nool? Marka, waxaan qabaa dawladda iyo Soomaalida kale in ayna dhihin maxaa naga galay Abgaal wax isku diidan oo la dhowro Dastuurka iyo Sharciga ee loo daayo Gobolka Banaadir sidi Dawladdii Gen. Maxamed Siyaad Barre (Allaha-U-Naxariite) ay ugu talagashay ama in uu noqdo ‘City State’ lana siiyo dadka ku nool xuquuqdooda asaasiga siyaasigaga ah sida gobollada kale ee dalka oo ay dadka ku nool, qabiilki ay rabaan ha noqdeen, wax ku doortaan lana soo doorto si ay wakiilo ugu yeeshaan labada aqal.

W/Q: Abdi Ulusso

AKHRISO  Wasiirka Amniga oo maanta xariga ka jaray Hab-raac cusub oo lagu qadanayo Basaboorka

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: