Maqaal: Aryaada Imaaraadka maxaa loo eryanayaa?

Imaaraadka dano dhaqaale, ganacsi, xoolo dhoofin iyo duullimaad ayaa nooga xiran, intaa ma igu diiddan tahay? Maya ayaan filaa.

Bilihii la soo dhaafay waxaa jiray doondoonis, haddii aysan daandaansi ahayn lagu goobayey Imaaraadka, oo dawladdu samaynaysay.

Si xiriirka siyaasadeed loogu jaro dawladda Imaaraadka, oo garashoxumo diblomaasiyadeed ah, dawladdu u ma baahna, gurya weerarid, qalqal abuurid iyo layn dad, ka dib, ku eedeyn Imaaraad.

Sidoo kale, dawladda u ma baahna, in lacag iyada loo waday oo ay wax ka ogeed, in ay ku dhaleecayso dawladdii ugu deeqday. Dabcan, waa hubaal, in wax qaldameen, ee waxaa ayaan ilaa hadda la ogayn, balse, lacagta in dawladda loo waday waa marag ma doonto.

Sidoo kale, in ay ku giiddiso ciidan ayaan la wareegnay, mushaarkooda ayaan bixinaynaa iyo guutooyin ayaa lagu daray.

Waxa ay dawladdu u baahan tahay, waa xaashi A4 ah, oo ka soo baxda wasaaradda Arrimaha Dibadda, oo ay ku amrayso, in danjiraha Imaaraadka, ee dalkeenna jooga, uu isaga baxo dalka sida ugu dhaqsiyaha badan.

Sidaa oy tahay, waxaan u arkaa go’aanka noocaa ah qar is ka toornimo iyo is miidaamin. Ma ahan, in dawlad danahaa naga dhexeeyaan ama nooga xiran yihiin, in aan maalin walba xagxagnno.

Hadda Puntland ayaa qadka ku soo biirtay, oo iyana Imaaraad ka saaraysa degaannada ay maamusho. Ciyaartu dhan kale ayey isu rogtay durba.

Waxaan filaa, in Imaaraadku dareemaan, haddii aysan, in hoggaanka fudeydka iyo madaxa falluuqa,ee hadda haya talada dalkeenna aysan bulshada Soomaaliyeed go’aannada gurracnaan la qabin.

Ar Imaaraadow ha noo qabannina.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline