Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Mahad Salaad:“Wasiirada XFS Iscasila in La Yiraahdo Sharci Ma ahan”

Ilwareed Online-

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dooda ka taagan Wasiiradda ka Tirsan Xukuumadda Soomaaliya ee u sharaxan Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya, kuwaasi oo lagu cadaadinaayo in ay iscasilaan.

Wasiirada iscasila in la yiraahdo sharci ma’ahan ee Gudigu yeysan ku tumanin Dastuurka Dalka!

Sida ku cad Qodobka 65aad, Faqradiisa 3aad Dastuurka KMG ah, Guddoomiyuhu inta uusan qaban xilka waa in uu ka tanaasulo xil kasta oo uu ka hayo xisbi siyaasadeed, waana in uu noqdo dhexdhexaad marka uu gudanayo/gudaneyso xilalkiisa/xilalkeeda.

Qodobkaani waxa uu ka hadlayaa xilka uu ka hayo Xisbi Siyaasadeed ee ma’ahan xil kale. Mana diidayo xitaa in uu tartamo ee waxa uu ka hadlaya marka la doorto inta uusan xilka la wareegin in uu isi soo casilo. Soomaaliyana sida aan la wada socono Xisbiyo Siyaasadeed oo sharciyeysan kama jiraan ilaa hada.

Sidoo kale sida ku cad Qodobka 98aad Dastuurka KMG ah, shuruudaha Xubinnimada Golaha Wasiirrada muddada ay xilka hayaan, ay ka reebbantahay: In ay qabtaan xilal kale oo aan ahayn xilka xildhibaannimada Golaha Shacabka.

Taasoo micnaheedu yahay in Wasiirka Xildhibaanka ah wax u diidaya aysan jirin in uu tartamo xilka Gudoonka Golaha Shacabka, lkn marka la doorto ay tahay in uu iska casilo xilka Wasiirnimo.

Haddaba, Gudiga waxaan usoo jeedin lahaa in aysan ku tumanin Dastuurka kuna joorfalin Xildhibaanada saaxiibadood ah ee kujira Golaha Wasiirada una soo hanqal-taagaya u tartamidda xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...