var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Mahad Abib oo looga guuleestay Kiiskii Maxkamada ee la xiriirta Sharciga laga ceshtay

Mahad Abib Mahamud, oo waayadan dambe ay aad u hadal haysay warbaahinta gudaha Norway ayaa maanta dhacay go`aankii uu maxkamadda kula fuulay hay`adda Utlendingsnemnda (UNE) oo sharciga kala laabatay kaddib 17 sano oo uu dalka Norway ku noolaa.

Maxkamadda ayaa maanta oo Isniin ah waxa hay`adda UNE ku raacday sharci kala laabashada Mahad oo lagu eedeeyay in uu ka been-sheegay halka uu kasoo jeedo dhalasho ahaan isagoona sheegtay soomaali balse dowladda Norway ku andocooneyso in uu kasoo jeedo dalka Jabuuti.

” Kaddib markii ay maxkamaddu dul-martay kiiska Mahad iyo caddeymaha ka dhanka ah Mahad, waxaa ay maxkamadduu qiimeysay go`aanka ay ka qaadaneyso taas oo ah ku raacsan tahay hay`adaha UDI iyo UNE in ay sharciga kala laabtaan Mahad oo u muuqda in uu dowladda siiyay warbixin khaldan oo ku aadan kiiskiisii qoxootinimo”, sidaa waxaa lagu yiri go`aankii maxkamadda ee maanta.

Sidoo kale maxkamadda ayaa tiri ” – Waxaan aaminsanahay in Mahad iyo Abdoulkader Abdi Mohamed oo ah nin Jabuutiyaan ah ay yihiin walaalo, sidaasna uu Mahad isna Jabuutiyaan ku noqonayo. Waxaa kaloo uu sheegay Mahad in isaga iyo walaalkii ay kala weyn yihiin oo keliya hal sano taas oo ka dhigan in Mahad uusan dhalan sannadkii 1986-dii sida uu sheegtay maadaama walaalkii uu dhashay sannadkii 1979-kii, isna uu dhashay 1980-kii ama 1981-dii”.

Sidaas darteed, maxkamadda ayaa ku raacday in Mahad dalka laga musaafuriyo gebi ahaan, lagana mamnuuco in uu dalka Norway iyo guud ahaan dalalka la isku yiraahdo Schengen laga mamnuuco.

Mahad ayaa dhankiisa iska diiday go`aanka maxkamadda, waxaana uu warbaahinta u sheegay in uu dareemayo caddaalad darro lagula kacay maadaama uu Norway ku noolaa 17 sannadoodl.

” – Racfaan ayaan ka qaadan doonaa go`aanka maxkamadda. 17 sano ayaan Norway ku noolaa, waxaana dareemayaa iminka in caddaalad darro la igula kacay” , ayuu yiri Mahad.

Kiiska mahad ayaa soo jiitamayay in muddo ah, waxaana sharciga lagala laabtay uu sababay in uu dareemo ciriiri nololeed maadaama shaqadii iyo noloshiisa kale laga bur-buriyay.

AKHRISO  5 ruux oo Xamar lagu dilay iyo israsaaseyn ka dhacday mid ka mid ah dogmooyinka Muqdisho

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: