Magaalo Maraykanka ku taalla oo si wayn u maamusi doonta Calanka Somalia

Columbus:-Waxaa soo dhow Todobaadka Xorriyadda Somalia oo bilaabanaya 26-ka bishan Juun oo ah maalintii ugu horreeysey ee geyi xor ah oo Soomaaliyeed la suro calanka buluugga ah ee dalka, taasoo ahayd Hargaysa 26-kii Juun 1960-kii.

Haddaba, Maamulka magaalada Columbus oo ah caasimadda Gobolka Ohio ee dalkaasi Maraykanka ayaa maamuus gaar ah u samayn doonta Calanka Somalia.

Maamulka ayaa sheegay in Calanka Somalia la suri doono fagaaraha caanka ee Xarunta Ohio Statehouse ee Capital Sq.

Marka fiidkii la gaarana, waxaa midabbada Calanka Somalia qaab LED ah looga ifin doonaa C-bus City Hall, buundada webiga Scioto oo ku taalla faras magaalaha iyo Carwada magaalada ugu ballaaran ee Easton Mall.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline