var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Madfac khasaare Nafeed Geystay oo Caawa Ku Soo Dhacay Xaafad Ka Tirsan Muqdisho

Ilwareed Online

Madfac hoobiye ah ayaa caawa ku soo dhacay meel ku dhow xaafada Labo dhagax oo ka tirsan degmada Warta-nabada ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in madfacan oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray uu ku dhacay b Bartamaha wadada soddonka, gaar ahaan ka soo horjeedka dhisme halkaas ku yaalla oo loo yaqaano Sarta-Cadarka.

Goob joogayaal ayaa sheegaya iney arkeen ku dhowaad toban ruux oo ku dhaawacmay madfacan kuwaasoo qaarkood ka mid ahaa shacab la socday gaari BL ah oo xiligaas wadada marayey, halka qaar kalena ay ku sugnaayeen hareeraha wadada.

Guddoomiyaha degmada Warta nabada ee gobolka Banaadir iyo ciidamo ka tirsan laamaha amaanka ayaa halkaas gaaray, iyagoo wax ka qaaday dadkii waxyeeladu soo gaartay oo qaarkood dhaawacoodu uu halis ahaa, waxaana loola cararay goobaha Caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Khal-khal xoogan iyo cabsi ayaa laga dareemay nawaaxiga goobta uu soo dhacay Madfacan iyadoo dadku ay bilaabeen iney kala cararaan inkastoo markii dambe xaaladu ay caadi ku soo laabatay.

Madaafiic aan la ogeyn halka bar-tilmaamedkoodu yahay ayaa mararka qaarkood ku soo dhaca xaafadaha magaalada Muqdisho kuwaasoo khasaare dhimasho iyo dhaawac leh u geysta dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Hard-line Islamist Al Shabab fighters conduct military exercises in northern Mogadishu’s Suqaholaha neighborhood, Somalia, Monday Aug. 23, 2010. The group’s senior officials said the young fighters have recently completed training to join what they said to be a global war against the enemy of Allah. (AP Photo/ Farah Abdi Warsameh)



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: