Madaxweynha Galmudug oo ku dhowaaqay dagaal ka dhan ah al-Shabaab.

Hoggaamiyaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa ku dhawaaqay howgal ka dhan ah al-Shabaab oo dhawaan Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ay ka billaabi doonaan degaanada ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay ku booqday Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed Qeybta 21-aad deegaano ay ka socdaan howlgalo lagula dagaallamaayo ururka al-Shabaab.

Waxaa uu xusay in deegaanada ay kaga sugan yihiin al-Shabaab Galmudug in dhawaan laga saari doono, islamarkaana ay diyaariyeen qorshihii lagu qabsan lahaa.

Qoorqoor waxaa uu tilmaamay in maamulkiisu uu diyaariyey ciidamadii Shabaab ka saari lahaa deeganada Galmudug.

Ururka al-Shabaab ayaa ku sugan deegaano kamid ah maamulka Galmudug oo ay ku jiraan degmooyin.





For Android Mobile users Ilwareed Online has an App available on Google Play Store, with this App you can get the latest News and Political Analysis every minute.
Download Ilwareed Now.

Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline