Madaxweyne Xaaf oo laga mamnuucay magaalada Cadaado

Ilwareed Online –

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud waxaa caawa Kulan deg deg ah oo qaatay saacad iyo wax ka badan ku yeeshay Waxgaradka Magaalada Cadaado.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay Munaasabadii maanta ka dhacday Dhuusa-Mareeb ee caasimadda Galmudug, taasi oo ay ku midoobeen Galmudug iyo Ahlusuna.

War Saxaafadeed ay soo saareen Odayaasha Beesha Cadaado oo ka koobnaa dhowr qodob ayaa waxaa Saxaafada u aqriyay Nabadoon Qaasim Maxamuud oo sheegay iney u xiran yihiin Degaanada laga soo galo Cadaado aanan la ogoleyn shirar lagu taageerayo Munaasabadii Dhuusa-mareeb.

Sidoo kale Waxgaradkan ayaa magaalada Cadaado waxa ay ka mamnuuceen inuu tago ama safar ku maro Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Waxay kaloo sheegeen in Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan aysan u aqoonsaneyn inuu ka mid yahay Madaxda Galmudug.

Ugu dambeyntii Odayaashan ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) iyo kuwa Maamul Goboleedyada ineysan aqbalin wixii maanta ka dhacay magaalada Dhuusa-Mareeb oo ay goobjoog ka ahaayeen.

Xildhibaano labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ee ka soo jeeda degaanada Galmudug oo tagay Cadaado ayaa ku guul dareystay in ay xaliyaan tabashada Odayaashan.

Weli waxaa muuqata inaanan la xalin tabashada ay qabaan Odayaashan, oo sheegay in midowga Galmudug aanan laga siinin qeybtii ay ku lahaayeen.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline