Ilwareed Online

Madaxweynaha maamulka Galmudug oo shalay gaaray degmada Galinsoor oo ka mid ah gobolka Galgaduud ayaa Shacabka halkaasi kunool ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii loo qaadi lahaa isbaarooyinka yaalla Galinsoor.

Waxaa uu sheegay in dadka halkaasi kunool aysan dhibaato ka bixin doonin inta ay yaallaan Gelinsoor , isbaarooyinka.

Waalidiinta dhalay dhalinyaradda Isbaaradda dhigtay ayuu ugu baaqay in ay wacyi gelin u sameeyaan,islamarkaana ay u sheegaan in ay isbaaradda ay joojiyaan.

Ciidamada Ammaanka maamulka Galmudug ayaa bilihii lasoo dhaafay waday howlgallo culus oo lagu dagaallamayo Kooxaha Jidgooyooyinka digtay degaanada maamulka Galmudug.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline