Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Madaxweyne Trump oo saxiixay qaraar lagu ballaarinayo weerarada ka dhanka ah al-Shabaab

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ansixiyay qorshe milateri oo dhigaya in ciidamadda Mareykanka ay dardargeliyaan dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

Qorshahan ayaa milateriga Mareykanka u ogolaanaya in weeraro dheeraad ah oo dhanka cirka ah ay ka fuliyaan koonfurta Soomaaliya, Sidoo kalena ay ballaariyaan taageerada ay siiyaan ciidamada dowladda.

Tallaabadan ayaa horseedi karta in ciidamo dheeraad ah la geeyo gudadaha Soomaaliya.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska wasaaradda gaashaandhiga ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump uu meel mariyay codsi ku aadanaa in taageero loo fidiyo ciidamadda AMISOM iyo kuwa Soomaalida ee dagaalka kula jira Alshabaab.

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...