Madaxweyne Siilaanyo oo cafis u fidiyay maxbuus Coldoon

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo ayaa cafis u fidiyay maxbuus C/Maalik Muuse Coldoon oo lagu xukumay xabsi dhowr sano ah.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu sheegay in arrintaasi loo cuskaday qodobo dastuuri ah oo madaxweynaha u fasaxaya cafis maxbuus lagu riday xukun.