Madaxweyne Gaas oo go’aan ka soo saaray hantida saaran doon ku soo caarisay xeebta Boosaaso

Ilwareed Online –

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda Maamulkaas in aan wax canshuur ah ka qaadi Karin hantida saran Doon ku soo caarisay xeebaha Magalada Boosaaso.

Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiirada Puntland ee Maanta ayaa laga soo saaray Go’aanka ah in aan wax lacag ah laga qaadin doontaas,waxaana Madaxweyne Gaas uu sidoo kale uu ammaan iyo bogaadin u jeediyay dadka dadaalada ku bixinaya sidii loo badbaadin lahaa Hantida saran doontaas.

Haatan waxaa socda dejinta Hantida saaran doonta, iyada oo Shacabka Magalada Boosaaso iyo Maamulka ay u dhiseen dekad macmal ah taa soo hadda dejinteeda ay ka socoto.

Dhinaca kale waxaa weli taagan khilaaf ka dhashay dekedda magaalada Boosaaso oo u dhaxeeya shirkadda DP World ee Imaaraadka laga leeyahay, maamulka Puntland iyo ganacsatada badeecadaha ka soo degsata dekeddaasi kaddib markii la isku qabtay lacago canshuur ah oo lagu soo rogay.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline