var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Madaxweyne Gaas: “In la sharxo ayaa la rabaa waxa lagu bedelanayo in Qatar la taageero”

Ilwareed Online

Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa ku celiyay in Puntland ay taageersan tahay xulufada Sacuudiga, ee xiisadda siyaasadeed kala dhaxeyso Dowladda Qatar.

Madaxweynaha Puntland, ayaa waxaa uu sheegay in Puntland ay xaq u leedahay inay cadeyso mowqidkeeda ku aadan khilaafka siyaasadeed ee ka aloosan Khaliijka.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in Soomaalida uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Sacuudiga iyo Emirate-ka, bisha soo socoto ee Carafana ay u iibgaynayan malaayiin xoolaha nool.

“Waad ogtihiin anaga xiriirka nagala dhaxeeya Dowladda Emirate-ka Carabta, inta malaayiinta Soomaalida ahi ee ku nool iyo ganacsiga nagala dhaxeeya. Puntland-na barnaamijyo gaar ah ay la wado ayaa jirta, oo arrimaha nabadgelyada iyo horumarinta mashaariicda ku saabsan. Xoolahayagii bisha Carafo intaas oo malyan oo xoolo ah ayaa u dhoofaysa, intaasoo dhaqaalo ayaa ka soo galeysa.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

C/weli Gaas oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa cadeeyay inaanu jirin wax Puntland ka soo gaara Qatar, lana doonayo in la cadeeyo waxa Qatar looga bedelanayo in la taageero.

“Anaga Puntland ahaan wax Qatar naga soo gaara ma jirto, in la sharxo ayaa la rabaa, oo naloo sheego waxa lagu bedelanayo in Qatar la taageero.” Ayuu yiri C/weli Gaas.

Madaxweyne Gaas, ayaa mowqifka dhexdhexaadnimada ee Dowladda Somaliya ku sheegay mid ay kula safatay Xukuumadda Doha.

“Horta dhex dhexaadnimada micnaheedu dhexdhexaadnimo maahanee ee micnaheedu waxaa weeye waxaa lala jirsaday oo la taageeray Qatar. Sabab hadda kalifi kartana ma garan karo.” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: [email protected]
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments are closed.