var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Madaxweyne Farmajo oo sheegay in Somalida aysan Beesha caalamka aysan xal ka sugin balse iyaga looga baahanyahay in Xalka Gacmahooda Ku Keensadaan

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya  Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo warbaahinta la hadlay kadib markuu soo gabagaboobey shirkii madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka ayaa sheegay in shirkaasi uu ku soo dhammaaday guul.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada Dalka ay isla garteen in ay ahmiyadda koowaad siiyaan amniga guud ee dalka waxuuna sheegay hadii amniga xal loo helo in sidoo kale xal loo helaayo abaaraha  iyo dhibaatooyinka ka jira dalka.

“Beesha caalamka ayuu sheegay in ay raadinayso in Somaalida iyagu xalka gacmahooda ay ku keensadaan, sababta oo ah ma jirto cid kaloo xal u keeni karta dalka, sidoo kale ma jirto ayuu yiri cid kaloo wadanka inoo difaacayso, sidaas darteed anaga ayaa nagala doonayaa in aan qabsano waxaas oo idil” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

ugu dambeyntiina Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Somaaliyeed ugu baaqay in ay garab istaagaan Dowladda si buu yiri ay u fududaato sugista amniga dalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.