var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Saadaasha & Duulista Hawada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa maanta u magaacabay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle).

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay in Yuusuf Jaalle si rasmi ah loogu magacaabay xilka Maareeyaha Guud ee Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada, iyadoo xilka laga qaaday Mr. C/waaxid Sheekh Cumar oo xilkan hayay.

Yuusuf Jaalle ayaa horay u soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana uu ka soo jeedaa Magaalada Jowhar ee xarunta u ah Gobolkaasi.
Is bedelkan iyo magacaabistan Hey’adda Saadaasha iyo Duulista Hawada ayaa qeyb ka noqoneysa is bedelo horay ugu dhacay xilal kala duwan, mudada labada bilood ee uu Madaxweynaha xafiiska joogo.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: