var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta lagu wado inuu u Ambabaxo Dalka Kenya

0

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo booqasho rasmi ah ku tagi doono.
Booqashada Madaxweynaha ayaa ah tii ugu horeysay ee uu ku tago dal ka mid ah dalalka Deriska, sidoo kale waa safarkii labaad oo uu dalka dibaddiisa ah, tan iyo markii xilka loo doortay bishii February ee sanadkan.
Farmaajo ayaa uga qeyb galaya magaalada Nairobi shir madaxeed gaar ah oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga, kaasoo ay yeelan doonaan Madaxda Urur Goboleedka IGAD.
Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Kenya, iyagoo yeelan doona kulan gaar ah oo ay kaga wada hadlayaan xiriirka labada dal, iskaashiga, amniga iyo arrimo kale.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.