Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta furaya Kalfadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka

Ilwareed Online –

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo Sabti ah lagu wadaa in uu ka furmo kalfadhiga Saddexaad ee Gobolaha Shacabka,maadaama Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay fasax galeen 16 Bishii December Sanadkii tegay ee 2017.

Xarunta Dugsiga tababarka Janaraal Kaahiye ee Magaalada muqdisho ayaa lagu wadaa in uu kulanka ka furmo,waxaana sida sharciga ah kulanka Maanta furi doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Gudiga qaban qaabada xaflada furitaanka kulanka Golaha Shacabka ayaa waxa ay horay u sheegeen in kulanka Maanta furmaya uu yahay kan labada Aqal maadaama ay labaduba fasax ku jireen.

Ammaanka Xarunta dugsiga tababarka Janaraal Kaahiye ayaa aad loo adkeeyay,waxaana la arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo Amniga xaqiijinaya.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...