var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Madaxweyne Farmaajo oo maanta booqanaya Degmo katirsan Shabeelaha Hoose

Warar soo baxaya si weyna u baahiyeen qaar kamid ah Idaacadaha kuyaala magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu maanta booqasho ku tagayo Degmada Afgooye.

Amaanka wadada isku xirta Magaalada Muqdidho iyo afgooye ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana saakay hakad ku jira isku socodka gaadiidka u kala gooshi jiray Magaalada Muqdfisho iyo Degmada Afgooye.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in booqashadiisa Degmada Afhgooye ay salka ku heyso qiimeynta xaaladaha ka jira Degmada Afgooye iyo deegaanada hoostaga, waxa uu sidoo kale Madaxweynaha dhiiro galin u sameenayaa ciidamada amaanka ee jooga gobolka Sh.Hoose.

Degmada Afgooye oo 30 km u jirta magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa weeraro xoogan kusoo qaada dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana marar badan gacan ku heynta degmadaasi saacado kooban la wareegay dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: