var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Madaxweyne Farmaajo oo kulan degdeg ah la leh saaraakiisha hay’adaha Amniga DFS

Ilwareed Online –

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxmed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadda kulan la leh saraakiisha hay’adaha Ammaanka, kaasi oo ku saabsan Amniga guud ee Dalka.

Kulanka oo ka soconaya xarunta Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ah dhamaan saraakiisha laamaha Ammaanka ee Dowladda Federaalak ah ee Soomaaliya,

Ujeedada kulanka ayaa ah sidii loo xoojin lahaa sugidda ammaanka guud ee dalka gaar ahaan caasimadda, iyo sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen dhamaan laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale kulankaan ayaa ku soo beegmaya iyadoo muddo 24-saac gudahood Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood ay Al-Shabaab weeraro iyo qaraxyo ka geysanayaan, inkasta oo la kordhiyay weerarada iyo duqeymaha lala eeganayo fariisimahooda.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kulanka degdegga ah ee Madaxweyne Farmaajo la qaadanayo saraakiisha hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka wararkeena dambe ayaan idinkugu soo gudbineynaa.



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : Ilwareed Online

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: