var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Madaxweyne Farmaajo oo ku sii jeeda magaalada Khartoum ee dalka Sudan

Ilwareed Online

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu booqasho rasmi ah uu ku tago magaalada Khartoum ee dalka Sudan, taasoo qeyb ka ah booqashada uu ku tagay dalalka Gobolka.

Dowladda Sudan ayaa kol hore u soo dirtay Madaxweyne Farmaajo martiqaad rasmi ah, iyadoo muddo bilo ah ay Xafiiska Madaxweynaha ay taallay casuumaada.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu hoggaamin doono wafdi ballaaran oo ka kooban labada gole, kuwaasoo maalinta berri oo Arbaco ah u ambabixi doona magaalada Khartoum.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona dhiggiisa Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal, Soomaaliya iyo Sudan ayaa ah labo dal oo saaxib ah, kana dhaxeeya xiriir soo jireen ah.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in wafdi horu dhac ah ay gaareen Khartoum, si ay u sii diyaariyaan soo dhoweynta Madaxweynaha ee Khartoum.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u tagay dalalka Gobolka sida Itoobiya, Kenya, Uganda, Jabuuti, safarkiisa Sudan ayaa ah lugtii 5aad.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Sacuudiga, taasoo aheyd safarkii 3aad oo sanadkan gudihiis ku tago.

 

Like it? Share it!

 

Share

« Previous Story
Somaliland oo sheegtay inay ka shaki ka qabto saldhigga Milateri ee Turkiga ka dhisay Muqdisho
More Related News
Somaliland oo sheegtay inay ka shaki ka qabto saldhigga Milateri ee Turkiga ka dhisay Muqdisho
October 03 (Jowhar)— Maamulka Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadlay saldhigga Milateri ee dowladda Turkiga ka dhisatay magaalada Muqdisho, kaasoo sabtidii la soo…
Jaamacadda Banaadir oo xaflad soo dhoweyn ah u sameysay Arday ku soo biirtay
October 03 (Jowhar)— Xaflad lagu soo dhoweynayey dufcadii ugu horeysay ee isku diiwaan gelisay Taqasuska Maareynta Masiibooyinka (Master in Disaster Resilience Leadership…
Dowladda Soomaaliya oo Sacuudiga uga mahad celisay 50 Milyan oo dollar ay ugu deeqday
October 02 (Jowhar)— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sacuudiga uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee dib u dhiska dalka,…
WFP oo dhimaysa cuntada ay siiso qaxootiga ku nool dalka Kenya
October 02 (Jowhar)— Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP ayaa ku dhowaaqday inay dhimayso boqokiiba soddon cuntadii ay siin jirtey qaxooti ka badan afar…
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
October 02 (Jowhar)—TRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay wakiilka Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay…



Mogadishu – Somalia

Wixii warbixin ah waxaad noogu soo diri kartaa email: ilwareednet@gmail.com
fadlan like saar boggeena facebook : @ilwareedonline

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: