var _wau = _wau || []; _wau.push(["tab", "22xuqjzxkfm9", "bg5", "bottom-center"]); (function() {var s=document.createElement("script"); s.async=true; s.src="//widgets.amung.us/tab.js"; document.getElementsByTagName("head")[0].appendChild(s); })();

Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray keydka raashinka ciidamada Milateriga + Sawirro

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa booqday qaar ka mid ah keydadka raashinka ciidamada qalabka sida gaar ahaan kuwooda Milateriga, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiisha iyo taliyeyaasha qeybaha saadka.

Waxa uu faray Madaxweyne Farmaajo saraakiisha ciidamada Dowladda inay si hufnaan leh u gaarsiiyaan ciidamada iyo qoysaskooda raashinka garaamaadka ay ku leeyihiin, isagoona sidoo kale ku booriyay hab socodka waajibaadka looga baahan yahay ciidamada.

“Hoggaanka saadka waxaan farayaa inay si hufan raashinka u gaarsiiyaan ciidamada iyo qoysaskooda” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo bogiisa twitter-ka soo dhigay warkaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa mid mid u kormeeray bakhaarada uu ku jiro raashinka ciidamada, isagoona u kuur galay bal haddii raashin dhacay la siiyo ciidamada iyo in kale, wuxuuna ammaanay sida ay isaga xilqaameen hoggaanka saadka tayada raashinka ciidamada.

You might also like More from author

Comments

Wuu socdaa sug...
%d bloggers like this: