Ilwareed Online
Daily News and entertainment from East Africa stay connected and get up-to-date news and events | @ilwareed | @ilwareedonline.

Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Magaalada Gaalkacyo

Ilwareed Online –

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/ laahi Maxamed “farmaajo” iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Waxaana Madaxweynaha iyo Wafdigiisa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin iyo boqolaal ka mid ah shacabka ku nool magaaladaasi.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doono Mas’uuliyiinta Galmudug, waxgaradka deegaanada Maamulkaasi iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaana sidoo kale Madaxweyne Farmaajo la filyaa in uu booqdo magaalooyinka Cadaado, Dhuusamareeb iyo deegaano kale oo ka tirsan Galmudug.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya wuxaa uu socdaal ku kala bixinayay deegaanada Puntland, booqashadaas oo uu maanta u soo gebagabeeyay.



Follow us on Twitter #ilwareed and Facebook #ilwareedonline

Download ilwareed App from Google Play Store. Ilwareed App
Comments
Wuu socdaa sug...